Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadhiga Baarlamanka Puntland oo saaka u baaqday xiisad ka aloosan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1687224049143.jpg?resize=720%2C46

Fadhiga Baarlamanka Puntland ee saaka oo Talaado ah ayaa sida wararku sheegayaan baaqday, kadib markii dhaq dhaqaaq ciidan laga soo tebiyay caasimadda Garoowe.

Ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah oo diiddan furista dastuurka Puntland ayaa dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka samaynaya xaafado ka tirsan Garoowe.

Ciidamada gadoodsan ayaa xirtay isgoyska Global ee laamiga bartamaha oo u dhow xarunta Baarlamanka Puntland, waxaana xarunta ilaalinaya ciidamo ka tirsan dowladda.

Ciidamada taabacsan mucaaradka iyo ciidamada dowladda ee ilaalinaya xarunta golaha wakiilada ayaa isku muuqda, taas oo keentay in dadka rayidka ah ka baxaan qaar kamid ah xaafadaha ka agdhow Baarlamanka, inkastoo aan ilaa iyo hadda wax isku dhac ah la soo werin.

Xiisaddan ayaa imaanaysa xilli lagu wado in dhawaan uu Baarlamanka Puntland cod geliyo soo jeedin ku saabsan furista dastuurka, oo ay soo gudbisay xukuumadda.

Waxaase sii kordhaya baaqyada looga horjeedo hindisahan ee ka imaanaya siyaasiyiinta iyo ururrada siyaasadda Puntland qaarkood, kuwaas oo ka digaya in tallaabadan keeni karto qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

PUNTLAND POST

The post Fadhiga Baarlamanka Puntland oo saaka u baaqday xiisad ka aloosan Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this