Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xildhibaano si adag u diiday go’aankii Xawaadle, taageerayna in la eryo Jeyte

Recommended Posts

Deeq A.   
Screen-Shot-2023-06-19-at-2.46.49-PM.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano heer federaal ah oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa diiday go’aankii xalay ka soo yeeray xildhibaanada heer federaal ka soo jeeda beesha Xawaadle, kuwaas oo sheegay inay ka go’aan HirShabeelle oo ay dhisanayaan Hiiraan State.

Xildhibaanadaan Madaxweynaha HirShabeelle ku taageeray xil ka qaadistii guddoomiye Cali Jeyte oo aad ay uga xumaatay beesha Xawaadle.

14 xildhibaan oo u badan beelaha Gugundhabe iyo Dir oo Xawaadle la dega Hiiraan ayaa ku saxiixan war-saxaafadeedka galabta loo akhriyey warbaahinta, waxaana lagu soo dhaweeyey magacaabidda guddoomiyaha cusub.

Bayaankaan ayaa aad loogu adkeeyey in HirShabeelle ay tahay dowlad goboleed jira oo ka arrimiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isla markaana aan gorgortan laga geli doonin jiritaanka iyo midnimada maamulkaas.

“Hirshabeelle waxay ku dhisan tahay dastuur iyo heshiis bulsho, madaxda HirShabeelle waxay magacaabi karaan ama xilka ka qaadi karaan masuuliyiinta heerarka kala duwan, guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxaa xilka u dhiibi kara kana qaadi kara madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, sida ku cad dastuurka,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaanada Hiiraan ee heer federaal.

Sidoo kale bayaankaan waxaa Cali Jeyte looga codsaday in si xil-kasnimo leh uu masuuliyadda u wareejiyo, iyagoo aad u soo dhaweeyey magacaabidda guddoomiyaha cusub ee lagu beddelay.

“Waxaan dowladda HIrShabeelle ugu baaqeynaa inay dardar geliso dagaalka Al-Shabaab iyo xalinta khilaafaadka bulshada, sidoo kale reer Hiiraan waxaan ugu baaqeynaa inay ilaashadaan midnimadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaanadaas ka soo baxay.

Hadalka xildhibaanadaan wuxuu ku soo aadayaa xilli xalay ay hadleen xildhibaanada Xawaadle oo si cad u sheegay inay Hiiraan ka go’day HirShabeelle, isla markaana ay dhisa doonaan maamul cusub, iyagoon wax tix gelin ama la tashi ah siin masuuliyiinta beelaha kale ee Xawaadle la dega gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa si cad u diiday xilka qaadista lagu sameeyey wuxuuna xirtay gobolka Hiiraan oo ma jirto cid uusan ogoleyn oo tegi karta, balse waxaa Beledweyne kula sugan Yuusuf Dabageed iyo guddoomiyaha cusub ee lagu beddelay.

Hoos ka daawo bayaanka xildhibaanada

The post Daawo: Xildhibaano si adag u diiday go’aankii Xawaadle, taageerayna in la eryo Jeyte appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this