Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed in uu noqdo, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda, Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this