Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan shaaciyey arrin xasaasi ah oo xilka looga qaaday Cali Jeyte

Recommended Posts

Deeq A.   
Jeyte.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si lama filaan ah uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Hiiraan, taasi oo ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Xidhibaan Ilyaas ayaa go’aanka Cali Jeyte uga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HiShabeelle Cali Guudlaawe ku tilmaamay “boor isku qaris” taasi oo ugu baaqay Jeyte inuu ka laabto.

Cali Jeyte ayuu ku eedeeyay xildhibaanka inuu is-hortaag ku sameeyay sidii loo mideyn lahaa canshuurta gobolka Hiiraan iyo maamulka HirShabeelle inteeda kale.

“Gudoomiye Cali Jayte boor iskuqariska iska jooji. Waxa la isku heeysto waa in la mideeyo Canshuurta Gobalka Hiiraan & dabcan guud ahaan Canshuurta Dowladda Hirshabelle,” ayuu Xildhibaan Ilyaas ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ee Facebook.

Xildhibaan Ilyaas ayaa sidoo kale waxa uu usoo jeediyay Jeyte in uusan maanta god dheer oo mugdi ah ku ridin sharaftii iyo sumcadii uu ku kasbaday halgankii naf-hurnimada lahaa ee Soomaali oo dhan ay sharaf ugu heyso ee howl-gallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Baroorta Orgiga kawayn!

Gudoomiye Cali Jayte boor isku qariska iska jooji. Waxa la isku heeysto waa in la mideeyo Canshuurta Gobalka Hiiraan & dabcan guud ahaan Canshuurta Dowladda Hirshabelle.

Waxaan la soconaa in dadaalo badan lagu bixiyay sidii loo mideeyn lahaa Canshuurta Gobalka Hiiraan lakin nasiibdaro uu is hor-istaag ku sameeyay Gudoomiye Cali Jayte.

Khilaafkuna uu halkaas salka ku hayo ee dhanka kale ee loo jiheeynayo oo dad waynaha lagu kicinayo uusan jirin!… Waa meeshaas halka boor isku qarisku uu ka jiro.

Waxaan kula talinayaa Gudoomiye Cali Jayte in sharaftii & sumcadii uu ku kasbaday halgankii naf-hurnimada lahaa ee Soomaali oo dhan ay sharaf ugu heeyso in uusan maanta god dheer oo mugdi ah ku ridin…wali caymasho ayay leedahay ee ka gaar.

Waa dhaqan aan kuu habooneeyn in Dowladii shalay ku siisay sharciyada Gudoomiye laguugu yeerayo in aad maanta ku soo duusho!.

Canahuurta Gobalka Hiiraan iyo guud ahaan Canshuurta Dowladda Hirshabelle in la mideeyo oo ay ku dhacdo hal santuuq (Single Treasury Account) sida Maamul Gobaleeyada kale oo ay ugu dhowdahay Galmudug oo daris la ah Hirshabelle ayaa dan u ah Dowladnimada la barbaarinayo.

The post Xildhibaan shaaciyey arrin xasaasi ah oo xilka looga qaaday Cali Jeyte appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this