Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1687181955965.jpg?resize=720%2C86

Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya.

Qoraalka oo lasoo dhigay bogga facebook ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.”

Jeneraal Ibraahim ayaa beddelaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo xilka soo hayey muddo afar sano ah, isaga oo la magacaabay 2019-kii.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Guutada 60-aad Ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this