Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabageed iyo gudoomiyaha magacaaban oo kulan xasaasi ah la leh odayaasha Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   
2023619638227543773693019.jpg?fit=660%2C

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa kulan xasaasi ah la leh odayaasha dhaqanka gobolkaasi.

Kulankaa oo albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee ka taagan xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne, taasi oo ka dhalatay xil ka qaadistii uu habeen hore madaxweyne Cali Guudlaawe ku sameeyay Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale waxaa la sheegaya in saxaafadda uu iskugu yeeray, oo iyagu hadda dibad joog ka ah kulankaan ka socda Beledweyne.

Waxaa lagu wadaa in kulanka kadib uu shir jaraa’id qabto Dabageed, kaasi oo uu si rasmi ah ugu cadeyn doono mowqifkiisa ku aadan xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan.

Kulankaan ayaa imanaya xilli Cali Jeyte Cismaan uu si adag uga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HirShabeelle, islamarkaana uu ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan HirShabeelle.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa shaaciyay in hadda kadib uu gobolka Hiiraan yahay bandow, ayna dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo “Hiiraan State”.

“Dhismaha Hiiraan State waxaa la isla gartay oo la ii wakiishay in laga soo qeyb-galo shir ay dadkaan wax ku dhisanayaan oo lagu dhameystirayo, intaas ayaa rabaa in si cad ugu sheego dadka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Sidoo kale Cali Jeyte waxa uu gobolka ku soo rogay go’aan uu ku xirayo safarada gobolkaas ee cirka iyo dhulka, isaga oo ku goodiyey in dagaal uu kala hor tegi doono qof kasta oo HirShabeelle ka socota, hadii ay soo gasho Hiiraan.

Si kastaba, maamulka HirShabeelle ayaa qorsheynaya inuu tallaabo ka qaado Cali Jeyte haddii uu u hoggaansami waayo xil ka qaadista lagu sameeyay habeen hore, sida uu shaaciyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta HirShabeelle.

The post Dabageed iyo gudoomiyaha magacaaban oo kulan xasaasi ah la leh odayaasha Hiiraan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this