Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo warbixino ka dhegaystay guddiyada Joogtada ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1687161341873.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka  1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad  ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiyada, waxaana warbixin soo jeediyay;

1. Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa

2. Guddiga Shuruucda, Caddaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Dastuurka

3. Guddiga Arrimaha deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah

4. Guddiga Amniga & Nabadgelyada

Warbixinta  ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin, lana socdaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Waxaa sii socon doonaa maalmaha soo socda Warbixinada Guddiyada Golaha.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo warbixino ka dhegaystay guddiyada Joogtada ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this