Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadhigii saaka ee golaha guurtida oo kooram la’aan u baaqday iyo guddoomiye Saleebaan oo farriin u diray Xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xildhibaanada golaha ku wargaliyay inay maalinta berri ah ka soo xaadiraan fadhiga, kadib markii  maanta uu goluhu u furmi waayay kooram la,aan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay fadhiga maanta ka soo xaadireen 35 mudane oo kaliya sidaasina uu ku baaqday fadhigii maantu.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu xildhibaanada u sii jeediyay inay soo dedaalaan maalinta berri ah, soona buuxiyaan fadhiga.

Golaha ayaa waxa uu maanta u balansanaa inay dhagaystaan warbinaha guddi hoosaadada, taasi oo ku saabsan doodii ajandaha Kal-fadhiga 81-aad ee golaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this