Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay madaafiic lagu garaacay degaanka Golweyn

Recommended Posts

Deeq A.   
Hoobiye-1-scaled.jpg?fit=2560%2C2212&ssl

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay tiro madaafiic ah lagu garaacay degaanka Golweyn oo hoostaga magaalo xeebeedka Marka ee xarunta gobolkaasi, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiicda ayaa lagu eedeeyay inay soo tuureen ciidamada ATMIS oo fariisin ku leh duleedka degaankaasi oo 7 KM u jira magaalada Buulo-Mareer oo dhowaan weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Uganda ay ku qaadeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku dhacday guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, ayada oo duqeyntu dhacday xilli habeen ah oo dadka ay hurdayeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan ku dhintay nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Axmadey Caliyow Cabdullaahi, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale.

Sidoo kale waxaa burbur uu soo gaaray guryo badan oo qaarkood la sheegay inuu dab ka kacay, taas oo sii adkeysay xaaladda.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dibad-bax ka dhan ah ATMIS ay shacabka Golweyn ka dhigeen gudaha degaankaasi, si ay uga dhiidhiyaan dhibaatada ka dhalatay weerarka madaafiicda ah ee xalay saq dhexe ka dhacay halkaasi.

Maalmo kaho ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidamada ATMIS ay tiro madaafiic ah ugu garaaceen degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray qos daganaa gudaha degaankaasi.

Sida uu sheegay mid kamid ah ehellada dadka waxyeelada soo gaartay waxaa guriga uu ku dhacay hoobiya ku dhaawacmay hooyo, aabe iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen.

Ma’aha markii ugu horreyay oo ay ATMIS waxyeelo u geysato dad shacab ah, waxaana marar badan lasoo wariyay dhibaatooyin ay ciidamadooda ka geysteen Soomaaliya.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya, xilli dhowaan magaalada Buulo Mareer lagu laayay ciidanka Uganda, kadib weerar culus oo ay ku qaadeen xoogaga Al-Shabaab.

The post Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay madaafiic lagu garaacay degaanka Golweyn appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this