Sign in to follow this  
Deeq A.

96 qof oo kuleyl ugu dhintay dalka Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 96 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dalka Hindiya, maalmihii la soo dhaafay, taas oo ay dhimashadaas sababtay, kulayl aad u daran oo ka jira qaybo badan oo dalkaas ah, sida ay xaqiijiyeen ma’suuliyiinta dalka Hindiya.

Dhimashadan ayaa laga soo sheegayaa, labada gobol ee kala ah, Uttar Pradesh iyo Bihar. Masuuliyiinta ayaa uga digaya dadka deegaanka, in ay u baxaan debedda xilliga maalintii ah, waxayna kula talinayaan inay guryahooda ku sugnaadaan, maadaama laga yaabo in heer kulku uu kor u dhaafo 60 Celsius maalintii.

Illaa 54 dhimasho ah oo laga diiwaangeliyey gobolka Uttar Pradesh ayaa la sheegay inay badankoodu ka soo jeedaan degmada Ballia, taas oo 300 KM u jirta caasimadda gobolkaas ee Lucknow. Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegaya in dadka ugu badan ee u geeriyooday kulaylka xad-dhaafka ah, in da’doodu ay ka sarayso illaa 60 jir.

Mas’uuliyiintaa caafimaadka ee degaanka ayaa hakiyey dhammaan fasaxyadii la siin lahaa shaqaalaha caafimaadka, iyaga oo taakulayn dheeraad ah gaadhsiiyey goobaha caafimaadka ee ku yaalla degmada Ballia.

PUNTLAND POST

The post 96 qof oo kuleyl ugu dhintay dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this