Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma Injineer Ismaaciil: Horjoogaha uu Mareykanka dul-dhigay 5 milyan dollar?

Recommended Posts

Deeq A.   
dollar.jpg?fit=956%2C639&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan 5 milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaano Injineer Ismaaciil.

Horjoogahan uu Mareykanku dul-‘dhigay madaxiisa lacagta shanta milyan ee dollar ayaa ah nin dhagar badan, kuna shaqeysta maleeshiyaad la sheegay inay daacad u yihiin.

Cabdullaahi Cusmaan oo kooxda Al-Shabaab u yaqaannaan “Ismaaciil Injineerka”, waa horjooge ka soo jeeda gobolka Hiiraan una qaabilsan kooxda labo qeybood oo kala ah;

1- Waa madaxa guud ee warbaahinta Al-Shabaab, waxaana hoostaga maleeshiyaad uu u adeegsado faafinta wararka been abuurka ah iyo buun-buuninta hadallada horjoogayaasha Al-Shabaab ay ku banneysanayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

2- Wuxuu mas’uul ka yahay qeybta qaraxyada oo ay ka shaqeeyaan maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, kuwaasi oo diyaariya qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qeybtan qaraxyada waa si garab ah mas’uul uga ah ku-xigeenka Ismaaciil Injineerka oo lagu magacaabo Mustafa Jihaad oo loo garan ogyahay Axmed Gurey.

Ninkan ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mareykanka, horjoogahan magaciisa kor ku soo xusnay ayaa si gaar ah hagar-daamooyinka iyo dhagaraha ugala shaqeeya horjooge Axmed Diiriye oo kooxda Al-Shabaab ay u yaqaanaan “Abuu Cubeyda”.

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan ayaa waxa uu ku dhuumaaleysanayaa gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu ugu badan yahay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Si kastaba, Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray dhawaam ku sheegay in $5 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan.

Mareykanka ayaa xilligaas shaaca ka qaaday in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu yahay Injineer khabiir sare oo Al-Shabaab u sameeya qaraxyada.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in sidoo kale uu yahay la-taliyaha hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacag u dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, isla-markaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

The post Waa kuma Injineer Ismaaciil: Horjoogaha uu Mareykanka dul-dhigay 5 milyan dollar? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this