Sign in to follow this  
Deeq A.

Putin iyo Zelensky oo diiday hindisaha nabadda Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
putin-zelensky.jpeg?fit=2048%2C1152&ssl=

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa diiday hindise nabadeed oo Sabtidii ay u keeneen wafdi ka socda madaxda Afrika oo rajaynayay in la soo afjaro dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Hogaamiyayaasha toddobo dal oo Afrikaan ah ayaa u sheegay in dagaalka Putin uu dhibaato ku yahay caalamka oo dhan.

Wafdiga ayaa la kulmay Putin maalin kadib markii ay la kulmeen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Labada hoggaamiye ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid aan socon karin.

Putin ayaa wada-hadallada Sabtidii la furay wakiillo ka socda Comoros, Congo Republic, Masar, Senegal, South Africa, Uganda iyo Zambia oo ka dhacay qasri u dhow St.

Balse madaxweynaha Ruushka ayaa diiday qorshaha nabadeed ee wafdiga ee ku saleysan aqbalaadda xuduudaha Ukraine ee caalamku aqoonsan yahay.

Waxa uu ku cel-celiyay mawqifkiisii ahaa in Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ay mas’uul ka ahaayeen iska horimaadka ka hor intii aanu Ruushku ku duulin Ukraine bishii Febraayo 2022.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in reer galbeedku ay mas’uul ka yihiin sare u kaca qiimaha cuntada adduunka, taas oo si aad ah u saameeyay Afrika.

The post Putin iyo Zelensky oo diiday hindisaha nabadda Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this