Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulan xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-iyo-Shariif.jpeg?fit=960%2C640&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu baahiyey bogga xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed uu hoggaamiyo ayaa lagu sheegay in caawa kulan gaar ah uu madaxtooyada dalka uga socdo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu daba socdo kulamo Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed uu maalmahaan la yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta dalka.

Ajendaha kulamada uu Sheekh Shariif ka wado Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ku qotomaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin horay u soo saaray qoraal ay ku diideen qorshaha muddo kororsiga ah eek u jiray heshiiskii ugu dambeeyey ee madaxda golaha wadatashiga qaranka.

“Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sh Ahmed ayaa la filayaa inuu kala hadli doono Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud arrimaha dastuurka, hannaanka doorashooyinka, muddo kororsiga, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, arrimaha la dagaallanka argagixisada, arrinta Gedo, colaadda Laascaanood iyo colaadaha kasoo cusboonaaday qaybo ka mida gobollada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu baahiyey xisbiga Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa maalmo ka hor ka soo laabtay dalka dibadiisa, wuxuuna ku jiraa ragga hor boodaya siyaasiyiin diidan muddo kororsiga ay damacsan tahay xukuumadda cusub ee Xasan Sheekh.

Caawa ayaa lagu wadaa inay dood adag arrintaas ka yeeshaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, xilli uu meel dhexe marayo qorshaha ay dowladda federaalku dooneyso inay ku meel mariso muddo kororsigaan oo doodiisu ay taallo golaha shacabka.

Markii laga soo tago Shariifka, waxaa jira siyaasiyiin kale oo miisaan culus, aadna u diidan muddo kororsigaan, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Muqdisho soo gaaraan intooda badan oo mowqifka ay ku diidan yihiin qorshahaan ay ololihiisa bilaabaan.

The post Xogta kulan xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this