Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ruushka oo diiday hindise nabadeed loo soo jeediyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa diiday hindise nabadeed oo Sabtidii ay u keeneen wafdi ka socda madaxda Afrika oo rajaynayay in la soo afjaro dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Hogaamiyayaasha toddobo dal oo Afrikaan ah ayaa u sheegay in dagaalka Putin uu dhibaato ku yahay caalamka oo dhan. Wafdiga ayaa la kulmay Putin maalin kadib markii ay la kulmeen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Labada hoggaamiye ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid aan socon karin.

Putin ayaa wadahadallada Sabtidii la furay wakiillo ka socda Comoros, Congo Republic, Masar, Senegal, South Africa, Uganda iyo Zambia oo ka dhacay qasri u dhow St.

Putin ayaa sheegay in reer galbeedku ay mas’uul ka yihiin sare u kaca qiimaha cuntada adduunka, taas oo si aad ah u saameeyay Afrika.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Ruushka oo diiday hindise nabadeed loo soo jeediyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this