Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah, ayaa warbixino ka dhagaystay masuuliyiinta wasaaradaha qaar, iyagoo soo bandhigay waxyaabihii uga qabsoomay qorshayaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradaha qaybta ka ah tiirka ‘Soomaali heshiis ah’ in ay dardar-galiyaan qorshayaasha Xukuumadda, isla markaana bulshada u soo bandhigaan waxqabad muuqda oo lagu qanco, saldhigna u ah halbeegyada mudnaanta u leh xukuumadda #DanQaran ee Tiirka Soomaali Heshiis ah, sida dhamaystirka dib u eegista Dastuurka, dimoqraadiyaynta iyo dardargalinta dowlad wanaagga iyo hiigsiga xukuumadda ee hirgalinta dowladnimo u dhaw shacabka.
347026662_714641600702449_35522087348942
348589673_714641587369117_91394544302155
347117897_714641590702450_47528692531755
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this