Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howlgal culus ka fuliyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-ciidanka.jpeg?fit=2048%2C1366&

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo xalay ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay sameeyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ka kala dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa iyo deegaanka loo dalxiis tego ee Daarusalaam oo isna ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho

Ciidamada howlgallada sameeyay ayaa isku ballaariyay labadaasi xaafadood, ayaga oo gudaha u galay guryo bartilmaameed u ahaa, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in inta ay socdeen howlgallada lagu soo qabtay ku dhowaad 5 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Ragga lasoo qabtay ayaa waxaa horay usoo watay ciidamada ammaanka Soomaaliya oo haatan ku haayo baaris dheeraad ah.

Weli ma jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan howlgalladaas iyo dadka lagu soo qabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka waday ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kordhiyay dhaqdhaqaaqooda.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa mararka qaar weeraro culus ka fulisa gudaha caasimada, waxaana ugu dambeeyay weerarkii dhowaan lagu qaaday agagaarka xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

The post Ciidamada DF oo howlgal culus ka fuliyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this