Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Macallimuu oo u jawaabay KULANE JIIS

Recommended Posts

Deeq A.   
Macallimuu.png?fit=1432%2C792&ssl=1

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Gedo, Mudane Cismaan Nuux Xaaji oo kamid ah xubnaha uu dhawaan magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Gedo.

Macallimuu ayaa shaaca ka qaaday in haatan uu ku sugan yahay gudaha degmada Garbahaarey, isla-markaana uu joogo xarunta maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kaliya guddoomiyaha cusub uu ka maqan yahay gobolka, isla-markaana wax dhibaato ah aysan ka jirin Gedo.

“Maamul hadda la diiday oo shacab ay diideen ma jiro maamulkaan dhamaan degmooyinka waa laga soo dhaweeyay, waxaana soo dhaweeyay shacabkii iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka wax culeys oo gaar ah hadda ma jiro” ayuu yiri guddoomiye Macallimuu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka dhibaatada inay wadaan aad maleyneyso ee baraha bulshada waa dad iska fowdo ah ayada oo dhib dhicin ayaa laga yaabaa in la yiraahdo dhibaato ayaa dhacday”.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeyn culus u jeediyay xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwo kasoo jeedo Galmudug oo uu sheegay inay sii hurinayaan arrimaha gobolka Gedo.

“Xildhibaanadaas meelaha wax kasoo qoraya oo deegaan doorashadooda meel kale ay tahay waxaan arkaayay, ayaga oo laga yeerinaayo liiskii Baarlamaanka oo saddex kalfadhi laga la’yahay marka shaqadooda ha qabsadaan ayaan leeyahay” ayuu mar kale yiri.

Guddoomiye Macallimuu ayaa si gaar ah ugu jawaabay Kulane Jiis, wuxuuna tilmaamay in wax shaqo uusan ku laheyn gobolka Gedo oo uu carabka ku dhuftay inuu horay u qaribay.

“Waxaan arkaayay nin la yiraahdo Kulane Jiis oo aad uga hadlayo gobolka Gedo maxaa ka galay?. Dhib haddii la geystay Kulane Jiis asaa gobolkan horay uga geystay” ayuu sii yiri.

Gedo ayaa waxaa weli ka taagan muran ku aadan maamulka gobolkaas, kaas oo u dhexeeyo shacabka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

The post Guddoomiye Macallimuu oo u jawaabay KULANE JIIS appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this