Sign in to follow this  
Deeq A.

Dikreeto: Madaxweyne Deni oo magacaabay 22 mas’uul oo ka tirsan garsoorka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa saddex maalmood ka hor dikreeto ku soo saaray isku shaandhayn lagu sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha derejada kowaad iyo rafcaanka gobollada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ansixiyay isku shaandhayntan oo guddiga sare ee garsoorka Puntland uu ku sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derejada kowaad ee gobollada, iyadoo qaarkood la isku beddelay halka qaar kalena la dallacsiiyay.

Mas’uuliyiinta ku soo baxay liiskan ayaa imtixaan laga qaaday magacaabistooda ka hor, inkastoo wararka qaar sheegayaan in guddoomiyaha loo magacaabay maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso aanu gelin imtixaankaas.

Halkaan ka akhriso magacaabista

Polish_20230617_224507156.jpg?resize=720 Polish_20230617_224652520.jpg?resize=720 Polish_20230617_224900761.jpg?resize=720

PUNTLAND POST

The post Dikreeto: Madaxweyne Deni oo magacaabay 22 mas’uul oo ka tirsan garsoorka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this