Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Xildhibaanno KULMIYE ah oo WADDANI u soo bandhigay in ay ku dhisaan Xildhibaan Xisbigooda ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanno ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ayaa la sheegay in ay kulan la yeesheen Madax iyo Xildhibaanno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, kaas oo lagaga wada hadlay arrimaha Golaha Wakiillada iyo tartanka loogu jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan oo ka qabsoomay mid ka mid ah Huteellada Hargeysa, hase yeeshee sida warar xogogaal ahi sheegeen Xildhibaannada Kulmiye ayaa u sheegay Xisbiga WADDANI in ay doonayaan in ay la dhistaan shirguddoonka Golaha Wakiillada gaar ahaan Guddoomiyaha haddii ay diyaar u yihiin weliba ay danaynayaan murrashax ka soo jeeda Deegaanka murrashaxa Xisbiga Waddani.

Xildhibaannada may magacaabin Xildhibaanka ay doonayaan in ay dhistaan, balse waxa ay ka dhawaajiyeen in iyagu Kulmiye ahaan wadaan Xildhibaan Jaamac Dubbe oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Togdheer in ay ka dhigaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada.

“Murrashaxii KULMIYE inoo keeneen ee ay yidhaahdeen dhisa Kan ayaanu dhisaynaaye oo Faratoon ma dhisayno ayaa halkan jooga. markaa marna in ay murrashax noo keenaan, markana dad soo faraan oo fagaarayaasha ka yidhaahdaan Faratoon doorta adeer isma qabato ee kala daaya ayaanu leedahay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo u jawaabayey Maareeyaha Madbacadda qaranka oo madal Buug lagu soo bandhigayey kaga codsaday Xildhibaanno madasha iyo mucaaradka in ay dhisaan Xidhibaan Faratoon.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this