Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Aw-Xirsi oo si kulul u cambaareeyey weerar ay diyaaradaha Kenya ka gaysteen Saakoow

Recommended Posts

Deeq A.   
42c9ab25-b07d-4020-897d-80c8516a45a9.jpe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa cambaarayn u jeediyey duqayn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya xalay u geysteen Xafiisyada Shirkadda Hormuud ee magaalada Saakoow ee bartama dawlad-goboleedka Jubaland.

Wasiirka, oo ka soo jeeda xilal dhawr ahna horay uga soo qabtay Jubaland, ayaa si kulul u cambaareeyey duqaymahaas. Hadal qoraal ah oo uu wasiirku soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayaa u qornaa sidan:- 

Xalay saqdii dhexe 11:00 habeenimo Xafiisyada Hormuud Telecom ay ku leedahay magaalada Saakow ee dowlad goboleedka aan ka soo jeedo ayaa waxaa ka dhacay weerar dhanka cirka ah oo lagu dilay labo haween oo waayeel ah oo ku sugnaa guri ku dhowaa Xafiisyada Hormuud. Duqaytaa dhinaca cirka ah waxaa lagu burburiyey xafiisyadii iyo taallooyinkii war-laliska ee Shirkadda, waxaana sidaa hawada uga baxay telefoonnadii Hormuud oo ay dadka degaanku intooda badan isticmaalaan.

Saaka ayay misna Khawaarijta magaalada ka arrimisa ka horjoogsatay farsamayaqaannada Hormuud in ay dib u soo celiyaan ateenadii, taasi oo keentay in kumanaan qoys oo ku xiriiri jirey Hormuud kuna dukaamaysan jirey adeegga EVC+ ay noqdaan kuwo kala go’an, gacan maran, aan dawo iyo cunto iibsan karin oo ay xaaladdoodii cakirnayd sii cakirantay. 

Haddaba, in Hormuud lala beegsado duullaan xagga cirka ah (ma ahan markii ugu horreysay) waa micne-darro, dacati iyo weliba wax-dhin ka dhan ah la dagaallanka iyo wiiqidda argaggixisada Al-Shabaab. 

1- Micne-darro: Ma jiro argagixiso baxsad ah oo seexda xafiisyo isgaarsiineed oo si weyn loo yaqaan (iyo xafiis kale toona.)

2- Dacati: Hormuud kaliya ma ahan shirkad isgaarsiineed, balse dadkayga waxay u tahay tahay Bangi, Isbitaal, Farmashiye iyo Suuq-cunto, maxaa yeelay inta badan dhammaan lacagahooda waxaa lagu keydiyaa oo laga isticmaalaa EVC+. 

3- Wax-dhin: ka sokow naxariis-darrada iyo aan loo baahnayn, carada iyo saboolnimada xad-dhaafka ah waxaa la caddeeyey inay sii kordhiyaan dadka ku biiraysa argaggixisada. 

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo ka danbeysa duullaannada noocaan ah in ay joojiyaan kana waantoobaan maadaama falalkan aysan ahayn keliya kuwo ka baxsan bini’aadanninada balse ay yihiin kuwo ciidanka u kordhin kara argaggixisada aynu dhamaanteen dagaalka kula jirno.

The post Wasiir Aw-Xirsi oo si kulul u cambaareeyey weerar ay diyaaradaha Kenya ka gaysteen Saakoow appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this