Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dad badan ka afduubtay SH/DHEXE

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_3655-Copy-1536x1024-1.jpg?fit=1536%2

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe aya waxa ay sheegayaan in xalay  kooxda Al-Shabaab ay afduubteen dad badan oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa agagaarka degmada Ruun-nirgood oo ka tirsan gobolkaasi.

Dadkaan ayaa si gaar ah looga watay deegaanada kala ah Ceelbacad iyo Daaru-Nicma oo hoostaga degmadaas oo horay loogala wareegay kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in kooxda maalmihii u dambeeyay ay culeys soo saartay degmadaasi

“Dhibaatada wax badan ayay ku haayeen degmada Ruun-nirgood dhowrkii bil ee ugu dambeeyay hadda dhibaatada ugu foolka xumeyd ayay ka geysteen oo ah afduub carruur, haween iyo waayeel” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dadka ay kaxeysatay kooxda ay ka badan yihiin illaa 30 qof oo isugu jiro carruur, haween iyo dad da’ ah.

“Illaa 30 iyo dhowr qof ayaan heynaa inay wateen Al-Shabaab” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood.

Maleeshiyada afduubka geysatay ayuu tilmaamay inay kasoo tallaabeen xadka kala qaybiya gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe oo ka tirsan Galmudug iyo HirShabelle.

“Dhinaca gobolka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe is qabadka dhulkaas ayay kasoo dusaan waxay si dhuumaaleysi ah ku waxyeeleeyaan degmada Ruun-nirgood guud ahaan, gaar ahaan meeshan Ceelbcad iyo Daaru Nicma” ayuu kusii daray guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda federaalka iyo HirShabelle oo uu ugu baaqay inay gurmad ciidan lasoo gaaraan, si wax looga qabto dhibaatada ka taagan halkaasi.

Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay Shabaab, balse haatan oo ay istaageen howlgallada ayay kooxdu sameyneysa dib usoo kabasho.

The post Al-Shabaab oo dad badan ka afduubtay SH/DHEXE appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this