Sign in to follow this  
Deeq A.

Goob uu shir uga socday madaxda Al-Shabaab ‘oo duqeyn culus lala beegsaday’

Recommended Posts

Deeq A.   
Al-Shabab-Al-Shabaab.jpeg?fit=960%2C580&

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in xalay fiidkii duqeyn dhanka cirka lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howl-galkan oo ahaa duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday horjoogeyaal kooxda Al-Shabaab ka tirsan, waxaana halkaas ku gaaray khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Dowladda ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda lagu gaarsiiyay duqeyntan, hase ahaatee waxaa la filayaa in faah-faahin dheeraad ah kasoo saarto howl-galkaan.

Bishii hore ayay aheyd markii uu Mareykanka duqeyn ka fuliyay degmada Jilib ee Jubbada Dhexe, kaasi oo iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Duqeyntaas ayaa dowladda sheegtay in lagu dhaawacay horjooge lagu magacaabo Cusmaan Maxamed Cabdi, oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha dibadda.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha kooxda Al-Shabaab ee doortay “in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.”

The post Goob uu shir uga socday madaxda Al-Shabaab ‘oo duqeyn culus lala beegsaday’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this