Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka ka socda magaalada Beijing?

Recommended Posts

Deeq A.   
352283183_739946468132973_76414171096849

Beijing (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay bandhiga carwada 13-aad ee maalgashiga dibadda ee Shiinaha (COIFAI).

Shirweynahan oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka Horumarinta Dibadda ee Shiinaha (CODA), ayaa isu keenay in ka badan 500 oo wakiillo ah oo ka kala yimid dalal kala duwan, si ay uga wada-hadlaan una sahmiyaan fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee hoos yimaada hindisaha cusub “Belt and Road Initiative” ee dowladda Shiinaha ay ku dooneyso in ay horumar kaga sameyso dalalka soo koraya.

Danjire Kullane oo furitaanka bandhigga khudbad ka jeediyay ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay carwada u leedahay horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo ku dheeraaday soo bandhigidda fursadaha iyo faa’iidooyinka maalgashi ee Soomaaliya

Waxa uu uga mahad-celiyey Mudane He Zhenwei, Guddoomiyaha CODA, martiqaadka uu u fidiyey, wuxuuna ku bogaadiyey ururka sida ay uga go’an tahay kobcinta iskaashiga iyo mashaariicda maalgashiga caalamiga ah.

Danjire Kullane ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay tahay marinka laga soo galo Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya, isaga oo ganacsatada u iftiimiyay fursad ay ku ballaarin karaan ganacsigooda ayna ku abuuri karaan xiriir dhaqaale oo xooggan.

Waxa uu carabka ku dhuftay in Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ee la cusboonaysiiyay ay tahay meel aad ugu wanaagsan ganacsiga iyo maalgashiga.

“Soomaaliya waxaa laga hela kheyraad badan oo dabiici ah, oo ay ku jiraan saliidda, gaaska, macdanta, kalluumeysiga, iyo dhul-beereedyo barwaaqo ah, oo ka bannaan fursado maalgashi.”

Wuxuu sheegay in dalku si weyn maalgelin ugu sameynayo isku-xirka gaadiidka sida waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, isaga shirweynaha ku soo bandhigay muhiimadd ay leedahay fursadaha ganacsi ee Shiinaha inay ku biiriyaan khibradooda iyo inay iskaashi la sameeyaan saaxiibada Soomaaliya.

Wuxuu ku dhiirageliyay shirkadaha Shiinaha ee quseeya tamarta la cusbooneysiiyo in ay maalgashadan, taas oo Soomaaliyaa ka dhigeysa in ay u gudubto in ay hesho tamar nadiif ah.

“Soomaaliya waxay leedahay dhul barwaaqo ah oo cimilo wanaagsan leh,” ayuu yiri Danjire Kullane oo iftiimiyay fursadaha maalgashi ee Beeraha Soomaaliya.

Danjire Kullane ayaa waxa kale oo uu ku booriyay maalgashadayasha Shiinaha in ay sahmiyaan farsamooyinka beeraha ee casriga ah warshadaha tayada leh si kor loogu qaado sugnaanta cuntada, dhoofinta iyo abuuritaanka fursado shaqo.

Geba-gabadii munaasabadda, Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka saaxibtinimo si loo gaaro barwaaqo.

352283183_739946468132973_76414171096849

354045466_739946104799676_51952376379992

354472077_739946194799667_13934108812091

The post Sawirro: Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka ka socda magaalada Beijing? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this