Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii DF iyo maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20230616-WA0003.jpg?fit=1600%2C1066&

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyat shir maalmihii dame uga socdaydl dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS.

Shirkaan oo ahaa kii 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir ayaa socdey muddadii u dhaxeysay 12-ka illaa 16-ka bishaan.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee DFS ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada shirkani ayaa aheyd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana Falan-qayn iyo dood kadib laga soo saaray qoddobo dhowr ah, kuwaasi oo kala ah;

1. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahad-celiyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wada-tashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah.

2. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay.

3. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla.

4. In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan.
347407929_727922592675492_81178836624034

347260114_727923006008784_81557793786184

The post Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii DF iyo maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this