Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Kulamo Kale Duwan Ka Wada Serbia

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa maanta la kulmay Hogaamiyaha Jameecadda Islaamka ee Jamhuuriyadda Serbia Mufti Dr. Sheikh Mustafa Jusufspahić.
Guddoomiye Madaale ayaa Mufti Dr. Sheekh Mustafa ku bogaadiyay kaalintiisa xoojinta Islaamka iyo Walaaltinimada dadka Soomaaliyeed, iyadoona Mufti Dr. Sheekh Mustafa u Duceeyay Soomaalidda meel walba ay aduunka ka joogaan, in uu eebe ka dhigo dal nabdoon oo barwaaqo ah, isla markaaba quluubta Soomaalida eebe isku duwo.
Kulanka ayaa waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha xiriirka dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamae iyo Diplomaasiyiin ka howl-gala Safaaradda Soomaaliya ee Serbia.
Goobkoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this