Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dad badan oo Shabaab ay fagaare ku toogatay

Recommended Posts

Deeq A.   
Toogasho.jpg?fit=768%2C513&ssl=1

Kuunya-barrow (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay xukun dil ah ku fulisay shan qof oo kale oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Xukunka ay Al-Shabaab ku fuliyeen dadkaas ayaa ka dhacay deegaanka Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, Khamiistii shalay, sida ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab.

Shanta nin ee lagu toogtay fagaaraha Kuunya-barrow ayaa la sheegay in da’doodu ay u dhaxaysay 28 ilaa 52 jir.

Al-Shabaab oo aan soo bandhigin wax caddeyn ah, ayaa sheegtay in raggaasi ay ‘qirteen’ in ay u basaasayeen dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa dadka ay soo taagto maxkamadaheeda aan u oggoleyn qareen difaaca, iyadoo dadka kasoo goostay ay sheegeen in xaakimkoodu uu go’aan iska gaaro, marka qofka lasoo dacweeyo.

Markii laga soot ago dadka u kala dacwooda kooxdaan waxay dadka ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan si joogto ah ugu toogtaan dad ay ku sheegaan inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha kale ee caalamka.

Wax yarna ha ahaatee sooma bandhigaan wax cadeyn ah oo ay ku xalaaleysa karaan dhiigga dadka ay tiirka geeyaan mar kasta, waxayna naxdin ku dileen shacabka ku nool deegaanada ay toogashada ka fuliyaan oo ay ku qasbaan inay daawadaan sida loo tooganayo qofka.

Inta badan gobollada koonfurta ayay hadda ku toogtaan dadka, maadaama awoodoodii laga soo wiiqay gobollada dhexe oo hadda ay ka joogaan Ceelbuur, Galhareeri iyo tuulooyin aad u kooban.

Gobollada Jubbooyinka, Bay iyo Bakool ayey dhulka ugu badan ka joogtaa kooxdaan, waxayna dowladda Soomaaliya abaabuleysaa duulaan culus oo guud ahaan dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

The post Xogta dad badan oo Shabaab ay fagaare ku toogatay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this