Sign in to follow this  
Deeq A.

GOODAX BARRE oo xil cusub loo magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
Goodax-Barre.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay xil nooc cusub oo La-taliye ah.

Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SODMA Mudane Maxamuud Macallin ayaa Goodax Barre loogu magacaabay La-taliye sare ee arrimaha sugnaanta cunnada ee hay’adda.

“Waxaa u magacaabay Cabdullahi Godax Barre La-taliye ee sugnaanta cuntada (Senior Food Security Advisor) ee hay’adda Maareynta Musiiboyinka Soomaaliya (SODMA).”

Wareegtada kasoo baxday guddoomiyaha hay’adda ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu arkay baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhameystiro howlaha dib-u-yagleelida hay’adda SODMA.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in shaqada La-taliyaha cusub lagu faah-faahin doono shaqo tilmaame (TOR) gaar ah oo qeexaya howlaha uu qabanayo.

Magacaabistan ayaa waxa uu guddoomiyaha hay’adda SODMA ka talo-galiyay guddoomiye ku-xigeenka hay’adda, sida uu ku sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegtadan lagu magacaabay La-taliyaha sare ee arrimaha sugnaanta cuntada ayaa sidoo kale waxaa si dhow ula socday agaasimaha guud ee hay’adda SODMA iyo guddiga qaranka shaqaalaha dowladda.
353618807_240863768754176_28766987877959

The post GOODAX BARRE oo xil cusub loo magacaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this