Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaale oo kulamo ka wada SERBIA

Recommended Posts

Deeq A.   
353645370_651887363655225_48578773317213

Belgrade (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Belgrade ee dalka Serbia ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda waddankaasi.

Guddoomiye Madaale ayaa waxa uu kulan la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Šapić.

Labada masuul ayaa kulankooda waxay uga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay iskaashiga maamulka labada caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade.

Kulankan waxaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo diplomaasiyiinta ka howl-gala safaarada.

Labada guddoomiye ayaa sidoo kale ka wada-hadlay dib u mataaneynta labada caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade iyo weliba in khubaro injineero ah loo soo diro Muqdisho, si ay daraasad rasmi ah ugu sameeyaan habka biyo-mareenka caasimadda Muqdisho.

Khubaradan ayaa sidoo kale daraasad ku sameyn doona qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gargaarka deg-degga ah, gaadiidka waxbarashada iyo maareynta saxmadda magaalada.

Guddoomiye Madaale iyo Aleksandar Šapić ayaa isla qaatay xoojinta xiriirka labada magaalo, iyada oo Duqa Balgrade uu soo bandhigay keydka xusuus dhowrka Belgrade, oo ay ku aruursanaayeen wada-shaqeyntii ka dhaxeesay labada caasimadood xilliyadii ay Muqdisho Duq magaalo ka ahaayeen Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Mudane Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faarax, taasi oo muujineysa xiriirka soo jireen ee labada magaalo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga dowladda Serbia Col. Milos Andjic.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyay sida ay Serbia gacan uga geysaneyso dowlad dhiska Soomaaliya iyo qaar kamid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, wadooyinka iyo uruurinta dakhliyadda canshuurta.

353645370_651887363655225_48578773317213

352787546_651887496988545_48857479676119

354069953_651887503655211_60034154506393

352778607_651887370321891_50357005271217

353060880_651887466988548_48059909083383

353013222_651887473655214_17562638544592

354047901_651886860321942_86972116986448

The post Sawirro: Madaale oo kulamo ka wada SERBIA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this