Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdullaahi Goodax Barre oo Xil Looga Magacaabay Hey’adda Maareynta

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed Maxamud Macallin ayaa lataliye sare u magacaabay Cabdullahi Qoodax Barre oo ah rugcaddaa siyaasi ah oo dalka ka soo qabtay xilal fara badan.

C/llaahi Goodax Barre waa siyaasi, waxaana uu xilal kale duwan kasoo qabtay dowladda federalka ah ee Soomaaliya, isaga oo noqday Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumaddii Kheyre.

Sanadkii 2014-kii ayuu soo noqday wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta, xilliguu uu ahaa Ra’iisulwasaaraha C/weli Maxamed Cali intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2016 oo madaxweyne ahaa Xasan Shiikh.

May be an image of text

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this