Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wakiillada Beesha Caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16868435020741368.jpg?resize=720%

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan uu kala hadlay wakiillada Beesha Caalamka in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan qof iyo cod.

Sidoo kale qoraalka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wakiillada Beesha Caalamka ay sheegeen in ay garab taagan yihiin meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wakiillada Beesha Caalamka? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this