Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo beesha caalamka ka helay taageero culus oo la xiriirta…

Recommended Posts

Deeq A.   
351928108_672946468209829_55793907142516

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada beesha caalamka ee ka howl-gala gudaha Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay danjireyaasha dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika.

Madaxaweynaha ayaa wakiilada caalamiga ah waxa uu kala hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka, si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu sheegay in haddii la hirgeliyo hanaankaasi doorasho ay saamayn wanaagsan ku yeelan doonto geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimadeenna.

Sidoo kale waxa uu dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meel-marinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha ciidamanka xooga dalka ay kula wareegayaa amniga dalka iyo cirib-tirka argagixisada Al-Shabaab.

Danjireyaasha dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab.

Sidoo kale waxay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ku garab taagan yahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meel-marinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah sida la fahamsan yahay qorshaha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu taageero ugu raadinayo heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo madax hore iyo siyaasiyiin miisaan culus ay si adag uga horyimaadeen.

Maalmo kahor unbay aheyd markii madaxda uru goboleedka IGAD ay beesha caalamka ugu baaqeen in dowladda federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meel-marinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

The post Xasan Sheekh oo beesha caalamka ka helay taageero culus oo la xiriirta… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this