Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Suudaan oo Sheegay in Gacanta Lagu Dhigay Hub Ku Socday Ciidanka RSF

Recommended Posts

Deeq A.   

Milatariga dalka Suudaan ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Hub fara badan oo ay sheegeen in loo waday xoogagga kasoo horjeeda ee RSF, kuwaas uu hoggaamiyo Generalka gadooday Hamdaan Daqalo, Milatariga ayaa sheegay in laga keenay dibadda Suudan.

Hubkaan ayaa lagu qabtay aagga Kassala sida ay sheegeen Milatariga, mana jirto war kasoo baxay xoogagga RSF oo ku aadan sheegashada Milaratiga, dagaalka ka socda Suudaan ayaa ilaa hadda lagu  kala adkaan dhnac walba uu ka sheeganayaa guul inuu ka gaaray.

Malatariga Suudaan iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa isku haya magaalada caasimadda ah ee Khartoum iyo magaalooyin kale, waxaana dhowr jeer burburay wadahallo la isku dayay in dhinacyada ay isku soo hor imaadaan, taas oo wadeen Mareykanka iyo Sucuudiga.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this