Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Puntland: Gudoomiyaasha degmooyinka Puntland oo ku sii jeeda magaalada Nayrobi.

Recommended Posts

Gudoomiyaasha magaalooyinka Puntland ayaa ku sii jeeda magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya, ka dib marki ay dhawaan wada xaajoodyo ku yeesheen Xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ee magaalada Garowe, kuwaas oo ku saabsanaa horumarinta magaalooyinka.

 

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Dawladda Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga oo uqabatay gudoomiyaasha degmooyinka Puntland, kulan ku saabsanaa horumarinta degmooyinkooda, ayaa ugu dambeyntii waxa ay dhawaan usocdaal ugali doonaan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

 

Gudoomiyaasha degmooyinka ayaa maalmihii ay joogeen magaalada Garowe, waxa ay isla eegeen isla meeldhigida Horumarinta degmooyinka Puntland, waxaana xubin kasta uu soo jeediyey baahiyaha taagan iyo sida ay udoonayaan horumarin in ay ka sameeyaan degmooyinkooda.

 

Afarta Duq ee magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa si rasmi ah magaalada Nayrobi, falan qeyn dheer ugu sameyn doono qodobada la xariira arrimaha Horumarinta degmooyinkooda, isla markaasna waxa ay soo qaadan doonaan oo kale qorshayaal ku aadan sida ugu wanaagsan ee ay horumarin ugu sameyn karaan magaalooyinkooda.

 

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Dawladda Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga ee Puntland oo ka mid ah Wasaaraddaha sida rasmiga ah mudooyinkii ugu dambeeyey shaqadoodu socotay, ayaa barnaamijkan la balaran lakaashanayna Hay’ado caalami ah oo ka tirsan Qaramada Midowbay.

 

Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah Barnaamij loogu magac daray Joint Program Governance, oo ay qeyb ka yihiin Hay’adaha kala ah UNDP, UNICEF,UN-HABITAT,ILO,UNFCU,Wasaaradaha Arrimaha gudaha & Haweenka Puntland, oo si rasmi ah uwada fulinta barmaamijkan oo ay dhaqaalihiisa bixinayaan Shanta Hay’adood.

 

Gudoomiyaasha degmooyinkan ayaa horay utagay magaalada Nayrobi, ayagoo wada xaajoodyo ku yeeshay magaaladaas, kuwaas oo ku wajahnaa horumarinta rasmigaa ee magaalooyinka Puntland lugu sameyn karo, waxaana lafilayaa in ay gudoomiyashan fuliyaan balan qaadyadii ay sameeyeen markii uu dhamaanayay tababaradaas oo ku aadan in ay horumar wanaagsan ka qaban doonaan degmooyinka ay ka yimaadaan.

 

16-ka Bishan ayaa lafilayaa in ay Salaad Xareed Cali (Duqa Bosaso), C/rixmaan Xaaji Xasan (Duqa Galkacyo), Cabdi-Nuur Cilmi (Duqa Garowe) iyo Cusmaan Buux Cali (Duqa Qardho), Afartan gudoomiye ayaa lafilayaa in ay tagaan magaalada Nayrobi, waxaana lafilayaa in ay halkaas ku saxiixaan heshiisyadii wada shaqeynta Shanta Hay’adooda ee ku aadan horumarka Puntland, ayadoo ay hogaminayaan wafdigan Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha, Dowladdaha Hoose & Horumarinta Reer miyiga ee Puntland.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this