Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
354072439_616723420556808_29159286419098

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xarunta Villa Somalia ee Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah, sida ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha.

Ugu horreyn golaha wasiirada ayaa shirkooda ku ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta iyo qorshaynta ee (WFDP) oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo gudaha Soomaaliya.

Intaas kadib golaha ayaa guda galay arrimaha ku aadan amniga guud ee dalka, ayada oo warbixino laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Wasaaradaha ayaa soo bandhigay guulihii ay ciidamada qaranka ka gaareen xasillinta iyo xoreynta goobaha ay weli ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Dhankooda golaha wasiirada ayaa si weyn u boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay inta badan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa isaguna sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab la gaarsiinayo adeegyada dowladda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ka qayb qaadanaya dadka deegaanka, ayada oo guullo waa weyn laga gaaray.

353855251_616723090556841_44582489230368 354072439_616723420556808_29159286419098 Bashiir-Goobe.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 HURUUSE.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Roobow.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 347236774_616722923890191_51683106430927 353645880_616723803890103_52913653720151 353723324_616722863890197_57522759698748

The post Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this