Sign in to follow this  
Deeq A.

Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Furitaanka Kal-fadhiga 50-aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka  1aad Golaha Wakiilladda Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Senator ka tirsan Aqalka Sare ee JFS, Maxkamadda sare ee Puntland, Wasiiro, Ururadda Bulshada Rayidka,  Taliyeyaasha ciidanka  iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay shaqooyinka Guddiyadda Golaha intii u dhexeysay 2da Kalfadhi.
” Muddadii u dhexaysey labada kalfadhi, Guddiga joogtada ahi waxay wadeen dhammaan hawlihii shaqo ee Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, sidoo kale guddiyada Goluhu iyagoo ka duulaya qodobada 16-aad iyo 62-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi kormeer shaqo ku tageen Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxayna korjoogtayn iyo u-kuur-gal kusoo sameeyeen hay’adaha dawladda si ay xog-ogaal ugu noqdaan sida bulshada loogaarsiiyey adeeggayada arrimaha bulshda, warbixinadda kormeeradaas oo faah-faahsan waxay guddiyadu soojeedin doonaan inta lagu gudajiro kalfadhigan haddii EEBBE idmo.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay Nidaamka Doorashooyinka Puntland, Xaaladda Gobolka Sool,  waxa uu Guddoomiyaha ku booriyey shacabka iyo Dawladda adkaynta Nabadgelyada, midnimada iyo wada-jirka Puntland, sidoo kalena waxa uu si faah-faahsan uga hadlay shaqooyinkii ay Golaha qabteen, Xeerarka soo saareen Golaha Wada-tashiga Qaranka, Difaaca Gobolka Sool, Weerarkii lagu qaaday Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, Nidaamka Doorashooyinka Goleyaasha degaanka, Weearkii lagu qaaday Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, dhaqaalaha iyo Difaaca Gobolka Sool.

FB_IMG_1686818915686.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1686818898511.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1686818911732.jpg?resize=720%2C46

The post Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this