Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneral Michael Langley oo la kulmay Axmed Madoobe xilli la qorsheynayo in Jilib…

Recommended Posts

Deeq A.   
351793204_815406853274540_32257473099729

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa shalay magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howl-galka Mareykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley.

General Michael E. Langley ayaa booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa saraakiisha howl-galka AFRICOM, ATMIS, saraakiisha hay’adaha amniga Jubbaland iyo ciidamada xooga dalka.

Waxaa shir-guddoomiyay kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa guddoomiyay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana lagaga hadlay xaalada guud ee amniga.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray kulankaan bilowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ee dalka looga xoraynayo kooxda.

Kulankaan ayaa imanaya, ayada oo haatan Jubbaland u diyaar garoweyso howl-gallo lagu xoreynayo deegaanada ay weli maamulkaas ka joogaan xoogaga Al-Shabaab.

Ujeedka ayaa ah in la qabto degmada Jilib oo ah xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya.

Si kastaba, Wejigii hore ee howl-galka ayaa Al-Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska.

351793204_815406853274540_32257473099729

353060880_815406869941205_53987041550428

351485750_815406843274541_24229152525405

351485749_815406876607871_26023768583502

353425183_815406899941202_19129096123675

The post Jeneral Michael Langley oo la kulmay Axmed Madoobe xilli la qorsheynayo in Jilib… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this