Sign in to follow this  
Deeq A.

DAGAAL culus oo mar kale dhex-maray militariga DF iyo daraawiishta K/Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Ceelbarde (Caasimada Online) – Dagaal kale oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo dawaariishta Koonfur Galbeed ayaa galabta ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, kaas oo geystay khasaare culus.

Sidaan oo kale ciidmaada militeriga dowladda federaalka iyo kuwa daraawiishta K/Galbeed ayaa shalay ugu dagaalamaya magaalada Baraawe, xiisadda Baraawe oo weli taagan ayaa markii hore ka bilaabatay khilaaf askarta dhexdeeda ay, balse wuxuu dagaalkaasi isku bedelay mid qabiil.

Dagaalka maanta Ceelbarde ka dhacay ayaa ka bilowday laba askari oo ka kala tirsan Daraawiishta iyo Militeriga oo murmay, kadibna is dilay waxaana la dilay oo xabadda lagala hor maray askarigii militeriga ahaa.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Geedi oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa dagaalkaas uga waramay Universal Tv, wuxuuna sheegay in horay magaalada uu uga taagnaa khilaaf maamul.

“Magaalada waxaa ka jiray khilaaf salka ku hayey maamul loo soo magacaabay oo hadana toddoobaad gudihiis lagu bedelay, hadana xiisadda waxaa sii kiciyey dilka askariga,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xuseen.

Sidoo kale xildhibaanka oo sharaxay waxa dhex maray labada askari ee dagaalkaasi uu ka bilowday ayaa shaaciyey in gabar la fara xumeeyey uu ka soo bilowday dagaalka labada askari oo markii dambe mid la toogtay.

Intaas kadib ciidanka militeriga ee degan Ceelbarde ayaa weeraray xerada ciidanka daraawiishta K/Galbeed, waxaana galabta maqribadii soo gaaray dagaal soo bilowday maanta duhurkii.

Xildhibaanka ka hadlay dagaalkaas ayaa ku eedeeyey madaxweyne Laftagareen inuu hurinaayo dagaalkaas, isagoo u xaglinaaya mid ka mid ah qabaa’ilka dega Ceelbarde, sida uu wareysigaan ku sheegay Xildhibaan Maxamed Xuseen oo baarlamaanka K/Galbeed ka tirsan.

Hoos ka dhageyso wareysiga

The post DAGAAL culus oo mar kale dhex-maray militariga DF iyo daraawiishta K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this