Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Dhaawacyadii ciidanka Macawiisley oo dib loogu soo celiyey Muqdisho kadib…

Recommended Posts

Deeq A.   
dhaawacyo.png?fit=882%2C517&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Seddax ka mid ah ciidamadii macawiisley eek u dhaawacmay dagaaladii gobolka Shabeellada Dhexe looga xoreeyey kooxda Al-Shabaab oo lagu soo daaweeyey dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Raggaan ayaa si gaar ah ugu dhaawacmay dagaal muddo todobaad ah ka socday deegaanka Masaajid Cali-gaduud, waxayna nasiib u yeesheen inay helaan caafimaad dibadda ah.

Maanta ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde, iyagoo ka soo kabtay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray dagaalka, waxaana garoonka ku soo dhaaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo waxgarad u badan ehelka raggaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobileen oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii garoonka ku soo dhaweysay raggaan, “Maanta waan farxay markii aan arkay raggii iyagoo liita aan halkaan diyaaradda ka saarnay oo soo caafimaaday, waxaan ciidamada macawiisley ugu baaqaa in tani ay dhiiragelin u noqoto, dowladiinu waa idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobileen.

Cabaas Luunge, oo labadiisa lugood ku waayey dagaalka Al-Shabaab, Cabdi Geedi oo ku waayey Ishiisa iyo Aadan Xuseen oo dhaawac culus uu ka soo gaaray caloosha ayaa hadda warbaahinta u sheegay inay heleen daaweyn iyo daryeel dhameystiray.

Sidoo kale raggaan oo heysta niyad aad u sareysa ayaa wacad ku maray inay dib ugu laaba doonaan furimaha dagaalka oo xoreynta dalka ay ka qeyb qaada doonaan.

“Shalay markii diyaaradda nala saaray saan u ekeyn iyo saan maanta u egnahay iskuma dhawa, waxaa nala geeyey wadan dadkiisu ay aad noo ciseynayaan, abaalka naloogalay ma gudi karno,” ayuu yiri Cabaas Luunge oo xabadda Al-Shabaab ay ka jartay labada lugood.

Cabdi Geedi oo xoreynta dalka ku waayey ishiida midig ayaa yiri, “Waxa nagu dhacay qadar ayey ahaayeen, sidaana ugama niyad jebi doono in dalka aan ka xoreysano Khawaarijta.”

Hoos ka daawo

The post Daawo: Dhaawacyadii ciidanka Macawiisley oo dib loogu soo celiyey Muqdisho kadib… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this