Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo 5 milyan oo Doollar dul-dhigay Madaxa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaal-marin lacageed oo la siinayo cid kasta oo xoggtiisa keenta sarkaal sare oo Al-shabaab u qaabilsan samaynta qaraxyada.

Mareykanka ayaa siinaya  abaal-marin lacageed oo gaareysa 5 milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil oo ah khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada.

Eedeysanahan ayaa sidoo kale ah la-taliyaha hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa intaas ku daray in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta ee Al-shabaab ee Al-kaib.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo 5 milyan oo Doollar dul-dhigay Madaxa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this