Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Wasiir Fiqi Ka Tiri Shirka Madasha Magaalada Oslo Ee Norway

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo ku jooga Norway ayaa kaqeyb galay mid ka mid ah fadhiyada “Madasha Oslo” taas oo lagu falanqeeyey “Wejiga Soomaaliya ee dedaallada dib u xorreynta kadib”.

Wasiir Axmed Fiqi, waxaa uu ku dheeraaday dib u xorreynta dalka, howlaha xasilinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talo galay deegaannada laga xoreeyay Al-shabaab iyo kuwa la qaban doono dhowaan, iyo waxa kaga qorsheysan dowladda Al-shabaab kadib.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa ka mid ah wufuud caalami ah oo  qeyb ka ah “Madasha Norway” taasi oo tirsigeeda 20-aad xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this