Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali horleh oo qirtay ku lug lahaanshaha fadeexada ka taagan gobolka Minnesota

Recommended Posts

Deeq A.   
B6D0772D-DD90-4438-93F5-4EEE6DEEE9A2_w10

Minneapolis (Caasimada Online) –  Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Andrew M. Luger ayaa Talaadadii sheegay in Cabdulqaadir Cawaale oo ka mid ah eedeysaneyaasha kiiskii la xiriiray ‘musuq-maasuqa’ barnaamijkii nafaqeynta carruurta uu qirtay dambigii lagu soo eedeeyay.

“Sida ku cad qirashada eedaysanaha iyo dukumentiyada maxkamadda, Cabdulqaadir Cawaale, oo 50-jir ah, ayaa qirtay in laga billaabo Abriil 2020 ilaa 2022, uu si bareer ah uga qaybqaatay qorshe been abuur ah oo uu ku lunsaday malaayiin doollar oo ah barnaamijka nafaqaynta carruurta ee dawladda federaalka ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska xeer-ilaalinta Mareykan ee gobolka Minnesota.

“Cawaale wuxuu si been abuur ah u sheegay in isaga oo adeegsanaya ganacsigiisa uu qeybiyay in ka badan 3.6 milyan oo cunto ah goobo kala duwan oo ku yaalla Minnesota, taasoo dhan $11.8 milyan oo doollar oo been abuur ah” ayuu raaciyay bayaankan.

Xeer-ilaalinta ayaa inta ku dartay inuu shalay kahor qirtay garsoore Nancy E. Brasel hal dambi oo ahaa inuu qeyb ka ahaa ‘musuq-maasuqan’ isaga oo oggolaaday inuu bixiyo lacag dhan $2,126,200, iyada oo dhageysiga xukunkiisa la muddeeyay waqti kale.

Toddobaadkii hore, Maxamed Cali Xuseen iyo Luul Bashiir Cali oo ah lammaane deggan magaalada Faribault ayaa qirtey doorkii ay ku lahaayeen mashruucan oo ay dowladda Mareykanku sheegtay in lagu lunsaday $250 milyan intii lagu jiray masiibada COVID-19, sida uu ku dhawaaqay xeer-ilaaliyaha Mareykanka Andrew M. Luger.

VOA

The post Soomaali horleh oo qirtay ku lug lahaanshaha fadeexada ka taagan gobolka Minnesota appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this