Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Muxuu salka ku hayaa dagaalka Baraawe?

Recommended Posts

Deeq A.   
Baraawe-1-scaled.jpg?fit=2560%2C1542&ssl

Baraawe (Caasimada Online) – Labadii maalin ee tegay dagaallo ayaa ka dhacay degmada Baraawe, kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada lixaad iyo ciidmada daraawiishta dawlad goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya. 

Inta aan ka warhayno, ilaa dhawr iyo toban qof oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday, walina xiisad ayaa kacsan.

Hadaba Maxay yihiin ciidmadaan isku haya Baraawe? 

Ciidmada milatariga Soomaaliya: oo ku sugan magaalada Baraawe ayaa ah kuwii kala wareegay Al-Shabaab magaalada Baraawe sanadkii 2014 kii, tan iyo xilligaas waxay ku sugnaayeen magaalada, amniga ayayna sugayeen.  

Waxay hoostagaan qaybta lixdanaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed, waxaana taliye u ah Generaal Aadan Abshir Nuure Laba-Afle. 

Ciidamada daraawiishta ee Koonfur-galbeed: ayaa ah kuwa bilowgii qayb kamid ah lagu aasaasay gudaha magaalada, balse markii dabme ayay balaarteen oo ciidamo xoojiya looga keenay magalaada Baydhaba. 

Ku dhawaad horin ciidamadaas ah ayaa waxaa magaalada keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Saddex duulimaad ayay ku yimaadaan ciidamadaas gudaha Baraawe sanadkii 2021 kii.

Sidoo kale safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ay ku tageen Baraawe, dhawr unug oo ciidamo ah oo la socday wafdiga ayaa magaalada la gaaray lamana soo celin. Waxaa naloo sheegay inay qayb ka yihiin ciidamada daraawiishta ee la rabo inay qabsadaan magaalada

Yaa ka arrimiya Baraawe?

Baraawe waxay leedahay mamamul dagmo oo ka kooban gudoomiye, kuxigeen iyo gole deegaan. Balse waxaa ku sugan magaalada oo inta badan maamulkeeda gacan wayn ku leh ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku sugan ciidamo daraawiish ah oo ka socda dawlad goboleedka Koonfur-galbeed oo doonaya in ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada.

“Ciidamada milatariga waxay ku sugan yihiin caloosha magaalada, iyaga ayaana ku sugnaa muddo aad u dheer, marka waxaa la doonayaa in gacan ku haynta magaalada lagu wareejiyo ciidamada daraawiista,” ayuu yiri mid kamid ah golaha deegaanka oo ka cudurdaartay inaan magaciisa xusno.

Sidee ku bilowday dagaalkan?

Inta badan waddooyinka magalaada waxaa baro baaritaan ku leh ciidmada milatariga Soomaliya, balse xarunta madaxtooyada ee Koonfur-galbeed (oo ah xarunta dawladda) waxaa ku sugan ciidamda daraawiishta Koonfur-galbeed.

Goob aan sidaas uga fogayn dhismaha madaxtooyada ayuu ku yaallaa mid kamid ah baraha kontorool ee milatariga. Balse dagaalkan cusub waxaa dhaliyay muran soo kala dhexgalay laba xubnood oo ka kala tirsan labada ciidan, kaas oo sababay gacan ka hadal markii dambe isku badalay dagaal baaxad wayn oo laba safle ah, saacado badan qaatay, khasaarena sababay.

Gacan ka hadal dhexmara labadaan ciidan, ma ahan mid ku cusb Baraawe. Inta badan xiisad iyo isku qabsi mamaul ayaana dhexmara. Laakiin hadda waxaa su’aali ka taagan tahay, Maxay ciidamada dawladda oo uu haysto culays kaga imanaaya al-Shabaab isugu soo jeesanayaan xilligaan?

Guddoomiyaha Baraawe ayaan la xariirnay si aan su’aalo uga waydiino isku dhaca, nooma aysan suura galin inaan haleelno.

Dhanka kale milatariga Soomaaliya ee ku sugan Baraawe ayaa qadka taleefanka kula xiriirnay, balse way ka gaabsadeen inay ka hadlaan dhacdadaan.

Isha: BBC

The post Xog: Muxuu salka ku hayaa dagaalka Baraawe? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this