Sign in to follow this  
Deeq A.

Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland oo Khamiista furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu furmo Khamiista berri ah oo ku beegan 15 June 2023.

Wargelin kooban oo loo diray Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa lagu sheegay in Kal-fadhiga oo furmi doono Subaxda Khamiista ah marka ay saacaddu tahay 8:00am Subaxnimo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo Kal-fadhiga islamarkaana ka jeediyo khudbaddiisa Dastuuriga ah.

PUNTLAND POST

The post Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland oo Khamiista furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this