Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi oo la sheegay inuu dawlada Somaliya u cadeeyey in Somaliland diyaar u tahay in markale la midowdo

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweyne Biixi oo la sheegay in dawlada Somaliya u cadeeyey in Somaliland diyaar u tahay in markale ay la midowdo Somaliya .
Warraysi xaasaasiya oo raysal wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Mahdi Guulleed, siiyay wariye Cabdijibaar Maxamed ayuu ku sheegay in madaxweyne Biixi, u sheegay Farmaajo in Somaliland diyaar u tahay in markale ay la midowdo Soomaaliya.
Sidoo kale Mahdi, ayaa warraysiga ku sheegay in madaxweyne Biixi ka codsaday dawladda Federaalka Soomaaliya in Akoon gaar uu u leeyahay loogu soo shubo lacagtii dawladda Soomaaliya ugu talo-gashay gurmadka suuqii gubtay ee Waaheen.
Mahdi, ayaa dhinaca kale sheegay in xilli Farmaajo, Abiy iyo Biixi ku kulmeen Addis-Ababa kulanka kadib madaxweyne Biixi, khalkhalay oo uu galay Gaadhigii madaxweyne Farmaajo oo calanka Soomaaliya ka babanayo.
May be an image of 2 people

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this