Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Catriona Laing oo saddex qodob kala hadashay madaxweyne Lafta-gareen

Recommended Posts

Deeq A.   
351472044_823353359355717_48330450556494

Baydhaba (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa shalay gaartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Catriona Laing ayaa waxaa madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo uu wehlinaayeen wehlinayeen Wasiiro, La-taliyaal iyo sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulkaasi.

Ugu horreyn Ergeyga QM ee Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa ugu mahad-celisay Laftagareen iyo golaha wasiirada soo dhoweynta ay u sameeyeen, maadaama ay booqashadeedii ugu horreysay ku gaartay maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Baydhaba.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in socdaalkeeda uu ku qotomo isbarasho iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha shaqo ee ay QM ka wado guud ahaan Koonfur Galbeed.

Intaas kadib labada dhinac ayaa yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin taageerida wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, xoojinta hirgelinta mashariicda hormarineed ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ku soo noq-noqday dalka.

Dhankiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaabinta ayaa ka warbixiyay ujeedka kulankooda, wuxuuna sheegay inuu daarnaa wada shaqeynta dhex-marta labada dhinac, maadaama haweeneyda ku cusub tahay xafiiska oo mardhow loo soo magacaabay.

“Aad ayaa u soo dhaweyneynaa imaatinkeeda, waxaana ku kala tageynaa is faham fiican iyo wada shaqeyn,” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Waa maamul goboleedkii saddexaad oo ay booqaneyso Catriona Laing oo todobaadkii hore soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna horay u tegay Puntland iyo HirShabelle.

Waxaa kale oo a horay si gooni gooni ula kulantay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo ay kala hadashay xaaladda dalka, gaar ahan bani’aadanimada.

347236067_823352629355790_30923060812656 351462092_823353279355725_88498033541540 351472044_823353359355717_48330450556494 353637014_823352542689132_39562921988254 353649528_823352932689093_14422675831612 353679790_823352672689119_55170923813026 353754238_823353016022418_86457555977988 354029620_823352699355783_29337864028815

The post Sawirro: Catriona Laing oo saddex qodob kala hadashay madaxweyne Lafta-gareen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this