Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xildhibaano ka soo jeeda KG oo war culus ka soo saaray dagaalkii Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-koonfur-galbeed.png?fit=99

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada iyo senatorrada ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay xiisadda ka taagan magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaas.

Baraawe, waxaa ka taagan xiisad culus oo qaraxday gelinkii dambe ee shalay, kadib markii ay gudaha magaalada ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan militeriga Soomaaliya iyo daraawiishta Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada laga soo doorto deegaanada K/Galbeed ayaa eedeyn culus u jeediyey ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala magaaladaas, iyagoo sheegay in 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay shacabka reer Baraawe dhibane u yihiin ciidankaas militeriga ah.

“Weerarkii shalay ay madaxtooyada K/Galbeed ku qaadeen ciidanka SNA, waxaa masuuliyadiisa qaadaya taliyaha ciidankaas Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, wuxuu qalqal geliyey xasilloonida degmada Baraawe, wuxuuna caqabad ku yahay jiritaanka maamulka K/Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay xildhibaanada.

Eedeynta ay xildhibaanadu u jeediyeen sarkaalkaas ayaa lagu yiri, “Cabdiraxmaan isagoo huwan shaarka dowladda wuxuu 10-kii sano ee lasoo dhaafay dhibaato ku hayey shacabka degmada Baraawe, wuxuuna sarkaalkaan ka soo hor jeedaa jiritaanka dowladnimada K/Galbeed.”

Sidoo kale xildhibaanadaan waxay bayaankooda ku sheegeen in guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose lagu dhibaateeyo shacabka, maadaama saraakiisha hoggaamisa ciidanka SNA ee gobolkaas joogay ay isku heyb yihiin, sida ay sheegeen xildhibaanada K/Galbeed ku metela BFS.

“Waxaan cambaareyneynaa ciidanka ATMIS ee ka howlgala degmada Baraawe, waxay garoonka diyaaradaha ee degmadaas ku wareejiyeen maleeshiyaad qabiil oo sheegta SNA,” ayuu yiri Xildhibaankii akhriyey bayaanka Xildhibaanada.

Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ciidanka ATMIS ay askari dhaawac ah ku wareejiyeen ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe, kaas oo goobta lagu toogtay, sida lagu cadeeyey bayaankaan.

“Dowladda federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe lasoo qaado, kadibna laga qaado tallaabo waafaqsan dunuubta ay geysteen,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka xildhibaanada.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Xildhibaano ka soo jeeda KG oo war culus ka soo saaray dagaalkii Baraawe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this