Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa maanta oo daah-furay dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay oggolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo  shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha, isagoo ugu baaqay ganacsataduna ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this