Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo dikreeto ku soo saaraya isku shaandhaynta xubno kamid ah garsoorka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maalinta berri ah wareegto ku soo saaro isku shaandhayn lagu sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derejada kowaad ee gobollada Puntland.

Guddiga sare ee maamulka garsoorka Puntland ayaa isku shaandhayn ku sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derejada kowaad ee gobollada, iyadoo qaarkood la isku beddelay halka qaar kalena la dallacsiiyay.

Go’aanka guddiga ayaa maanta loo gudbiyay xafiiska madaxweynaha si uu dikreeto magacaabis ugu soo saaro dhammaan xubnaha uu guddiga isku shaandhaynta ku sameeyay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo dikreeto ku soo saaraya isku shaandhaynta xubno kamid ah garsoorka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this