Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/W Xamza oo daah-furay mashruuc ay dhaqaale badan ka heleyso Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
354048027_615633353999148_86629456528263

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay mashruuc muhiim ah oo ah dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo Boqortooyada Sacuudiga.

Munaaabadda daah-furka oo ka dhacday hotel Jaziira ayaa waxaa ka qayb-galay wasiiro, xildhibaano, safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya, ganacsatao iyo marta sharaf kale.

Ra’iisul wasaare Xamza oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa mashruucan ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya, maadaama ay ogolaatay Sacuudiga.

Sidoo kale waxa uu xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha oo caan ku tahay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta.

Dhanka kale, Xamza oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga ee bariga Afrika, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee dalalka ku mideysan Dallada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan, iyagoo leh xuquuq lamid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dallada.

Si kastana Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal galisay in dowladda Sacuudigu ay u oggolaato suuqyada dalkeeda in loo dhoofiyo hilibka xoolaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku qanceen caafimaadka iyo tayada Hilibka Xoolaha dalkeenna, taas oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee horumarinta dhaqaalaha dalka.

353638759_615632723999211_24713515485187 353793663_615633363999147_50702575105842 353805246_615633407332476_25959092054823 353836800_615633710665779_49573283334749 354045175_615633500665800_62894339212990 354048027_615633353999148_86629456528263 354053283_615633447332472_52076702297204 354055849_615633633999120_67068365244964 354071239_615633730665777_23342996779481

The post Sawirro: R/W Xamza oo daah-furay mashruuc ay dhaqaale badan ka heleyso Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this