Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad go’aan ka gaartay amarkii booliska Sweden ee gubitaanka kitaabka Qur’aanka

Recommended Posts

Deeq A.   
quran-2.png?fit=1000%2C667&ssl=1

Stockholm (Caasimada Online) – Maxkamad racfaan ah oo ku taalla dalka Sweden ayaa Isniintii sheegtay in aanay boolisku awood sharci u lahayn inay diidaan ama hor-istaagaan mudaharaado la qorsheeyey.

Mudaharaadada la qorsheeyay ayaa la doonayey in lagu gubo kitaabka barakaysan ee Qur’aanka Kariimka ah.

Kadib markii bishii January ee sannadkan lagu gubay kitaabka Qur’aanka ah ee barakaysan, barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee Stockholm ku taalla ayaa arrintaasi waxay dhalisay cadho xooggan oo ka timi dunida Muslinka, horseeddayna mudaharaaddo lagu dalbanayo inaan la iibsan dhammaan alaabooyinka ay soo saarto Sweden.

Sidoo kale arrintaasii ayaa waxay cirka ku laashay rajadii dalka Sweden ee ahayd inay ku biiraan isbahaysiga NATO.

Bishii February, waxaa markale codsi gudbistay laba kooxood oo qorsheeyey inay barxadda hore ee safaaradaha Turkiga iyo Ciraaq ku gubaan kitaabka Qur’aanka ah, hase ahaatee arrintaas waxaa diiday ciidamada booliska ee dalkaas.

Booliska Sweden ayaa sheegay in tallaabadii bishii January ay Sweden ka dhigtay mid bartilmaameed u ah weerarada.

Hase yeeshe arrintaas waxaa racfaan ka qaatay dhinacyada soo abaabulay labada mudaharaad, iyaga oo maxkamadda geeyey kiiskooda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in amarka iyo dhibaatada amni ee boolisku sheegay aanay lahayn tilmaamo cad oo ku xidhaya in mudaharaadada la qorsheeyey ay sababi karaan dhibaato degdeg ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aankeeda laga qaadan karo racfaan, islamarkaana loo qaadan karo maxkamadda sare.

The post Maxkamad go’aan ka gaartay amarkii booliska Sweden ee gubitaanka kitaabka Qur’aanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this